Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 50 Qof oo kusumoobay Magaalo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

Ku Dhawaad 50 Qof oo kusumoobay Magaalo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

0

Wararka aan ka heleyno degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dad badan ay maanta ku sumoobeen cuno ay cuneen.

Ugu yaraan 50 qof oo dadka deegaanka ah ayaa sumoobay maanta, sida uu warbaahinta u sheegay Abaanduulaha Ururka 12-aad guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kabtan Xasan Dhagaweyne.

Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadkii sumoobay uu qaadi waayey isbitaalka deegaanka, isla markaana loo gudbiyey isbitaal ku dhex-yaalla saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas.

“Ilaa hadda ma jirto cid dhimatay, laakiin waxaa jira dad aad u liita oo aan u soo gudbi doono Muqdisho,” ayuu yiri sarkaalkaas oo ka warbixinayey xaalada dadkaas.

Dadkaan ayaa ku sumoobay cunto ay saakay ka cuneen Maqaayad ku taalla deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna dadka sumoobay u badan yihiin dhalinyaro.

Sidoo kale waxaa ku jira dadka sumoobay gabadhii laheyd Maqaayada iyo dhammaan carruurteeda oo laga soo deyrinayo xaaladooda caafimaad.

“Ma garaneyno sababta ay u sumoobeen dadkaan, laakiin dadkaan waxaa in ka badan 15 sano xukumaayey Al-Shabaab oo mar dhow aan ka xoreynay, marka tuhun badan ayaan qabnaa, waana sii baari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray abaanduulahaan ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in hadda uu ammaan yahay deegaanka oo Al-shabaab ay si buuxda uga xoreeyeen, balse ay jiraan meelo ay ku tumayaan oo hadda ay doonayaan inay ka howlgalaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo isaga Baxay Degmada Xarardheere Xili Guluf Culus ku Wajahnaa
Next articleCiiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Hubaysan oo Dhac gaysanaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here