Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 50 Qof oo kusumoobay Magaalo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

Ku Dhawaad 50 Qof oo kusumoobay Magaalo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

0

Wararka aan ka heleyno degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dad badan ay maanta ku sumoobeen cuno ay cuneen.

Ugu yaraan 50 qof oo dadka deegaanka ah ayaa sumoobay maanta, sida uu warbaahinta u sheegay Abaanduulaha Ururka 12-aad guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kabtan Xasan Dhagaweyne.

Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadkii sumoobay uu qaadi waayey isbitaalka deegaanka, isla markaana loo gudbiyey isbitaal ku dhex-yaalla saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas.

“Ilaa hadda ma jirto cid dhimatay, laakiin waxaa jira dad aad u liita oo aan u soo gudbi doono Muqdisho,” ayuu yiri sarkaalkaas oo ka warbixinayey xaalada dadkaas.

Dadkaan ayaa ku sumoobay cunto ay saakay ka cuneen Maqaayad ku taalla deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna dadka sumoobay u badan yihiin dhalinyaro.

Sidoo kale waxaa ku jira dadka sumoobay gabadhii laheyd Maqaayada iyo dhammaan carruurteeda oo laga soo deyrinayo xaaladooda caafimaad.

“Ma garaneyno sababta ay u sumoobeen dadkaan, laakiin dadkaan waxaa in ka badan 15 sano xukumaayey Al-Shabaab oo mar dhow aan ka xoreynay, marka tuhun badan ayaan qabnaa, waana sii baari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray abaanduulahaan ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in hadda uu ammaan yahay deegaanka oo Al-shabaab ay si buuxda uga xoreeyeen, balse ay jiraan meelo ay ku tumayaan oo hadda ay doonayaan inay ka howlgalaan.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleAlshabaab oo isaga Baxay Degmada Xarardheere Xili Guluf Culus ku Wajahnaa
Next articleCiiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Hubaysan oo Dhac gaysanaysay