Home Wararka Maanta Kooxda TPLF oo wareejisay hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku...

Kooxda TPLF oo wareejisay hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku dagaalamayeen

0

Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa Talaadadii bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidamada Eritrea, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ethiopia, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.

Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleCiidamada Booliska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Laba Gacan Ku Dhiigle oo Mantay laba Qof oo Shacab ah Dilay(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya Iyo Dowlada Itoobiya oo Heshiis Cusub Kukala Saxiixday Adisababa