Home Wararka Maanta Kooxda Shabaab oo Weerar iyo Qaraxyo Ku qaaday Deegaan ka tirsan Shabeelaha...

Kooxda Shabaab oo Weerar iyo Qaraxyo Ku qaaday Deegaan ka tirsan Shabeelaha Dhexe

0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas waaberigii hore ee saaka oo talaado ah ay Al-shabaab ku qaadeen weerar xoogan, kadibna ay dagaal kula wareegeen deegaankaas.

Weerarka oo markii hore ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku lahaayeen Ceelbaraf, waxaana xigay weerarka dagaal toos ah labada dhinac dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa waxaa kusoo warramayaan in mar qura Ceelbaraf laga maqlay jugta qaraxyo xoog leh, isla markaana uu dagaal dhexmaray Ciidanka Burundi ee Xerada joogay iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday oo markii dambe halkaas qabsaday.

Al-shabaab weerar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay weerar kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna halkaas isaga baxeen Ciidankii ATMIS ee joogay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama xili hore ay tahay, iyadoona Shabaabka ay sheegteen inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen Ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka.

Ad
Previous articleSomaliland oo lagu dilay Gabar ka Shaqeneysay Mid kamid ah Wasaaradaha Maamulkaasi
Next articleAl-Shabaab oo Markii ugu Horaysay war Kasoo saartay weerarkii uu Cali Xarbi ku dilay xildhibaan Amess

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here