Home Wararka Maanta Kooxda Nabad iyo Nolol oo Xildhibaanada Federaalka u soo Bandhigay Lacag aan...

Kooxda Nabad iyo Nolol oo Xildhibaanada Federaalka u soo Bandhigay Lacag aan caadi ahayn si Codka usiyaaan

0

Kooxda ololaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa suuqa ololaha doorashada madaxweynaha lasoo galay falsafado cusub si ay mar kale Villada ugu soo noqdaan.

Kooxda Ololaha oo kulan isugu yimid ayaa go’aamiyey in maalin kasta ay sameeyaan hadal heyn xooggan (Trending) oo 24 saac ee maalin kasta la hadal hayo inta laga gaarayo doorashada, waxayna taas Shalay ka bilaabeen inay adeegsadaan hal ku dhigyada mucaaradka ee ah Isbadal doon taasoo la hadal hayey 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxyaabaha ay kooxda ololaha madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday go’aamiyeen waxaa kamid ah inay sare u qaadaan qiimaha lacagta la siinayo xildhibaanada si musharixiinta kale sicirka loogu qaaliyeeyo.

Kooxda ayaa go’aamisay in halkii xildhibaan la siiyo 100 Kun oo Dollar, sidoo kalana waxaa loo ballan qaaday oo meel loo dhigay 200K oo kale oo la siinayo marka uu Farmaajo guuleysto taasoo ah wax aan horey looga isticmaalin doorashada Soomaaliya.

Waxyaabaha kale oo ay sameeyeen waxaa kamid ah inay xildhibaanada isugu xir xiranaa koox koox loona sameeyo hal qof oo hoggaamiye u ah kaasoo loogu dhiibi doono 200 Kun oo Dollar ee la siin doono marka uu guuleysto Farmaajo.

Kooxda ayaa ka fogaaneyso qorshayaashii hore ee looga adkaaday madaxweynayaashii xilka soo hayey maadaama inta lacag laga qaato laga coddeeyey, waxayna ku dadaalayaan inay xildhibaanada kusoo jiitaan 200K oo Dollar oo meel loo dhigayo taasoo muujineyso inay kala aamin baxeyn xildhibaanada iyo kooxda Villa Somalia.

Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana socda dadaalo lagu kala jeedinayo xildhibaanada, waxaana waxyaabaha ugu badan ee loo adeegsanayo ololaha kamid ah lacag kaash ah, mid ballan qaad ah iyo xilal.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo asteeyey inay dhacdo 15 Bishaan, waxaana adag in lasii saadaaliyo cidda ku guuleysan karto, balse waxaa doorashooyinkii hore laga bartay in meesha laga saaro madaxweynaha talada hayey lamana ogo haddii uu jidkaas soo xirmi doono.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGolaha ammaanka Qaramada Midoobay oo si kulul uga Hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS
Next articleJen, Gebremedhin Fikadu oo Gudaha Soomaaliya aad looga Yaqiinay oo La Xaqiijiyay Geeridiisa