Home Wararka Maanta Kooxda Nabad iyo Nolol oo Shaacisay Cida ay Taageersantahay inay Kusoo Baxdo...

Kooxda Nabad iyo Nolol oo Shaacisay Cida ay Taageersantahay inay Kusoo Baxdo Gudoonka Aqalka Sare

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay doorashada gudoonka Aqalka Sare ee ka socota Afisyooni.

Cali Yare oo si weyn u taageera madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa soo jeediyey in Senataradu ay codkooda siiyaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay horey dagaal siyaasadeed ula gashay Villa Soomaaliya, kaas oo ka mid ah musharixiinta tartameysa.

“Marka laga soo tago siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira Mudanayaasha aqalka sare waa in ay ogaadaan in Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi uu yahay Hanti dalku leeyahay ee aanu aheyn qof dadka kale la mid ah, sidaas daraadeedna ay Codkooda siiyaan lana shaqeeyaan,” ayuu ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray guddoomiye Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Senator Cabdi Xaashi wuxuu xooggiisii, caqligiisii iyo cilmigiisii galiyay dalka, waana siyaasi xor ka ah kanah madax banaan dhammaan kooxaha isdiidan ee xukunka dalka isku haya, arrintaas Adeer, Senator Cabdi Xaashi wuxuu ku mudanyahay in abaalmarin ahaan lagu sharfo loona boqro inuu markale Aqalka Sare hoggaamiyo. Mahadsanidiin,”.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay falcelin iyo hadal heyn  xoogan oo ay sameeyeen dadweynaha kala duwan ee isticmaala baraha bulshada.

Dadka ka falceliyey qoraalka Cali Yare ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood sheegeen in N&N ay weysay qof ay dhisaan, halka kuwa kalena ay ku macneeyeen in tani ay muujineyso in kooxda Farmaajo looga adkaaday Aqalka Sare.

Ad
Previous articleXarunta Villa Hargaysa oo Xoog looga Saaray Shaqaalihii Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleC.xaashi oo Markale noqday Gudoomiyaha Aqalka Sare