Home Wararka Maanta Kooxda Daacish oo Shaacisay inay Laysay Alshabaabkii Ugu Badnaa

Kooxda Daacish oo Shaacisay inay Laysay Alshabaabkii Ugu Badnaa

0

Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dagaallo ay bishii Ramadaan ay Al-Shabaab kula gashay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Daacish ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannadeeda ay weeraro culus ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna ka dileen in ka badan illaa 50 xubnood.

Qoraal lagu shaaciyay majaladda caalamiga ah ee Al-Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu sheegay in hwolgalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab.

Sidoo kale majaladda ayaa qortay in kooxda Daacish ay la wareegtay deegaannada lagu dagaalamay oo ku yaalla buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxaa kale warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Al-Shabaab hub iyo rasaas looga soo furtay weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay Daacish sheegtay inay ku gaarsiisay khasaare culus, hubna ay uga soo furatay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku dagaalamay deegaannada ay sida qarsoodiga ah ku joogaan ee buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda
Ad
Previous articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo Maalmahaan Isisoo Dhiibay Sheegayna Sababta(Sawiro)
Next articlePuntland oo Raaligalin Siisay Shiikh Umul