Home Wararka Maanta Alshabaabkii Ugu Badnaa oo Maalmahaan Isisoo Dhiibay Sheegayna Sababta(Sawiro)

Alshabaabkii Ugu Badnaa oo Maalmahaan Isisoo Dhiibay Sheegayna Sababta(Sawiro)

0

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Alshbaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa aad u batay maalmahan, kuwaas oo sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka nololeed ee duurka ku heysta Alshabaab iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.

Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo Khawaarijta ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

 

Ad
Previous articleCiidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen
Next articleKooxda Daacish oo Shaacisay inay Laysay Alshabaabkii Ugu Badnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here