Home Wararka Maanta Koox Cunsuriyiin ah oo Weerartay Hotel Qaxooti la dajiyay gudaha UK iyo...

Koox Cunsuriyiin ah oo Weerartay Hotel Qaxooti la dajiyay gudaha UK iyo khasaaro ka dhashay

0

Khasaaro ayaa ka dhashay weerar ay axadii ku qaadeen kooxo xagjir ah Hotel ku yaal magaalada Rotherham town ee England.

Kooxaha midigta fog ee ka soo horjeeda dadka qaxootiga ah ayaa maalintii 6aad wada mudaharaadyo rabshado wata.

Kooxahan ayaa isku dayey inay dab ku shidaan hotelka, iyagoo weeraray booliiska amniga sugayey.

Ugu yaraan 10 kamid ah askarta booliiska ayey dhaawacyo soo gaareen.

Dowlada UK ayaa sheegtay inay tilaabo adag ka qaadi doonta kooxaha qas-wadayaasha ah.

Raysalwasaaraha Keir Starmer ayaa sheegay inay dhiseen unug cusub ee ciidamada oo dabagal ku sameeya dadka abaabulay weeraradan.

Ad
Previous articleKulan Dhexmaray Dowladaha Somaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay + Sawiro
Next articleShacabka Pakistan oo bilaabay Banaanbaxyo lamid ah kii Bangaladhesh ee Dowlada lagu riday