Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Koonfurgalbeed oo Ka Hortimid Go’aan kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka heer federaal iyo...

Koonfurgalbeed oo Ka Hortimid Go’aan kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka heer federaal iyo P.M Rooble

0

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa looga soo hor jeestay jadwalkii caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo lagu cadeeyey waqtiga ugu dambeeya ee la dhaarinayo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay Koonfur Galbeed in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka midkoodna uusan wax kaalin ah ku laheyn soo xareynta iyo dhaarinta Xildhibaannada la doortay.

Qoraalkaan uu baahiyey xafiiska Laftagareen waxuu awood siinayaa baarlamaankii 10-aad ee watigu ka dhamaaday, iyadoo laga tusaale qaadanayo baarlamaankii ka horeeyey ee 9-aad.

“Dowladda  Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa in aysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah,” ayaa lagu yiri bayaanka K/Galbeed.

 

Sidoo kale Koonfur Galbeed waxay sheegtay in kaliya ay aqbalayso jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay,” ayaa lagu yiri qoraalka K/Galbeed.

Ad
Previous articleJubaland oo Shaacisay Jadwalka 16kii kursi ee Taalay Garbahareey iyo warar kala Duwan oo Kasoo Baxaaya Halka Lagu Qabanaayo
Next articleGalmudug oo ka Hortimid Go’aanka jadwalka ay Soo Saareen Gudiga Doorashooyinka Heerfederaal ee Dhaarinta Baarlamaanka 11naad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here