Home Wararka Maanta Kiiska Luul: Waxa ka dhacay gudaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo kiisaska lagu...

Kiiska Luul: Waxa ka dhacay gudaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo kiisaska lagu xasuusto qareenka eedeysanaha

0

Dheggaysiga dacwadda kiiska Luul Sheekh Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawacyo kasoo gaaray dab ayaa lasoo gebogebeeyay.

Dhageysiga dacwada oo bilaabatay toddobaadkii hore ayaa dacwad-oogeyaashu kusoo bandhigeen eeda loo heysta ninka qabay gabadha oo ay ku eedeeyay in uu gubay xaaskiisa islamarkaas na uu masuul ka yahay dilkeeda.

Qareemada difaacayay eedeysanaha oo laga soo qabtay goboladda dhexe ayaa ka difaacay eedaha iyaga oo doonaya in la siidaayo islamarkaas na aan lagu xukumin eedaha dacwada-oogaha oo ah in uu geystay dilka.

Eedeysanaha iyo dadka ay marqaati ahaan u keeneen dacwad-oogeyaasha xafiiska xeer-ilaalinta ayaa su’aalo lagu weydeeyay xarunta maxkamada gobolka Banaadir oo laga filayo inay go’aan ka gaarto kiiskan oo noociisu yahay dhif iyo nadir.

Waxa laga og yahay kiiska ilaa iyo hadda.

Luul Sheekh Cabdicasiis oo ah hooyo ka tagtay afar carruur ah oo aabbehood horey u geeriyooday waxay u shaqeyneysay dowladda Soomaaliya, si gaar ah garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Waxay geeriyootay labadii Feberaayo kadib dhaawacyo kasoo gaaray dab qabsadya guriga ee ay degeneyd oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay ninka ay u dhaxday.

Waxay ku geeriyootay isbitaalka Erdogan ee horey loo dhehi jiray Digfeer oo la geeyay maalmo kadib markii ay dhaawacyada kasoo gaareen dabka.

Ka hor waxaa lagu hayay dhowr isbitaal oo kale oo lagu dabiibayay xaaladeedda.

Booliska iyo xafiiska xeer-ilaalinta ee dowladda federaalka ayaa la wareegay kiiska iyaga oo baaritaano sameeyay kahor inta aanan lasoo qaban eedeysanaha oo ay Boolisku shaaciyeen in uu baxsad yahay.

Qoyska gabadha ayaa diiday inay qaataan mag ama lagu xaliyo kiiskan xeerka iyo dhaqanka, iyaga oo doorbiday in loo daayo hay’adda cadaalada iyo garsoorka Soomaaliya.

Meydka Luul weli lama aasin, oo waxa uu muddo bil dhan ku jiraa talaagad loogu talogalay in lagu hayo meydka.

Qoysku waxay doonayaan inay gabadhooda aasaan kadib marka uu dhaco xukunka maxkmadda oo hadda laga warsugayo.

Qareen Cali Xalane iyo kiiska horey usoo maray.

Difaaca ugu weyn ee eedeysanaha waxaa uu ahaa qareenka caanka ah ee Cali Xalane oo horey loogu yaqaanay kiisas kale oo waa weyn.

Dad badan oo baraha bulshada adeegsada ayaa ku eedeeyay in aysan sax ahayn in uu difaaco u noqdo qareenka, iyaga oo hilmaamsan inay tahay xaq sharci ah in qofwalba uu helo qareen iyada oo la eegeyn waxa uu ku eedeysan yahay.

Waxa uu horey qareen ugu ahaa weriyeyaal ay dowladdu xirtay iyo dad ku eedeysan dacwado kale.

Waxaa ka mid ah Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo loo xidhay musuqmaasuq lagu soo eedeeyay.

Qareen Cali Xalane waxa uu ku guuleystay in maxkamadu dembi ku wayso agaasimaha kadib muddo sideed bil ah oo uu xirnaa isaga oo ka difaacay dhammaan dacwadii lagu soo oogay.

Ad
Previous articleSida loo soo badbaadiyay Haramcadka dhalka ah ee Gaalkacyo lagu iibinayay, dalalka loo waday iyo qiimaha la kala siisto Haramcad sharcidarrada looga dhoofiyo Soomaaliya?
Next articleDeni oo Go,aan Culus Qaatay Xili oo Umagaacabis Ku dhawaaqi rabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here