Home Wararka Maanta Khilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Midowga Musharixiinta

Khilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Midowga Musharixiinta

0

Dagaal siyaasadeed xooggan ayaa ka dhax bilowday gollaha Midowga Musharaxiinta ee horey isugu baheestay in ay kasoo horjeestaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo oo muddo kororsi damcay mar kalana Madaxwe6yne raba.

Madaxweynayaal hore, Ra’isul Wasaare iyo siyaasiyiin kale oo caan ah una taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameestay golle ay ugu magac dareen midowga Musharaxiinta , kaa oo mideeyay aragtidooda Farmaajo diidka ahaa.

Hadda gollihii midowga Musharaxiinta ayaa bur buray waxaana dhaxdooda ka billowday dagaal siyaasadeed iyo dacaayado ay iska fidinayaan, waxaana si weyn baraha bulshada looga dareemayaa dhinacyo kala taageersan musharaxiinta oo dacaayado faafinaya.

Dagaal siyaasadeedka xoogiisa iyo dacaayada la iska fidinayo ayaa u dhaxeeya taageerayaasha kala taabacsan Musharax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre, si kale hadaan u dhahno taageerayaasha Damul Jadiid iyo Hiigsi iyo Horumar.

Sida aan xogta ku heleyno dagaal siyaasadeedkan oo laga abuurayo xafiisyada ololaha labada dhinac ayna suurto gal tahay in ay ogyihiin labada musharax ayaa maalmahan sii xoogeestay, waxaana xubno labada dhinac isugu jawaabayana qoraalo iyo muuqaalo.

Waxaa sidoo kale dagaal siyaasadeedka socda oo mararka qaar u muuqda mid qabiileesan  kusoo biiray musharaxiinta kale oo iyana dacaayado ka fidinaya saaxiibadoodii xilligii adkaa balse hadda kala furtay marka doorashada Madaxweynaha soo dhawwaatay.

Midowga Musharaxiinta ayaa markii horaba aan isugu imaan jaceyl, balse waxaa isku keenay Farmaajo naceyb, waxaana hada fursad u tahay Farmaajo dagaal siyaasadeedka markan ka dhax qarxay Midowga Musharaxiinta ee dhaxdooda isku mashquulay .

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug oo howlgallo balaaran ka sameeyay Magaalada Dhuusomareeb
Next articleTaliyaha Biixi oo lagu Wareejiyay Hub laga Soo Furtay Alshabaab(Sawiro)