Home Wararka Somaliya Khilaaf xoogan oo hareeyay Guddiga Doorashada Dalka iyo Golaha wadatashiga oo dacwad...

Khilaaf xoogan oo hareeyay Guddiga Doorashada Dalka iyo Golaha wadatashiga oo dacwad loo gudbiyay

0
Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa si cad uga hor yimid habraacii doorashada golaha Shacabka ee Shalay saareen xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedaraal.

War qoraal ah oo aay soo saareen xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal ayaa lagu sheegay inaan la isku raacsaneen habraacii shalay soo baxay ayna ku koobneyd qeyb ka mid ah guddiga, islamarkaana ay sheegeen in habraacyada la shaaciyay aysan aheyn kuwa saxan.

Xubnahan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah guddiga doorashada ee uu hoggaamiye u yahay guddoomiye Maxamed Xasan Ciro inay soo saaraan habraac aan waafaqsaneyn wadajirka guddiga.

Ad
Previous articleAlshabaab oo war ka soo saaray dagaal shalay ka dhacay gobalka Mudug
Next articleDowlada Britain oo Shaacisay Tirada Maalintii kasoo Qaado Afganistan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here