Home Wararka Maanta Khayre oo Farmaajo kaga aargutay Teendhada Afisyooni(Akhriso)

Khayre oo Farmaajo kaga aargutay Teendhada Afisyooni(Akhriso)

0

Waxaa Axadii  Muqdisho Ka Dhacay mid mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha badnaa ee loogu tartamayey xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxaana mar kale xilkaas loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa ka adkaaday saddexdii musharax ee kale ee lasoo gudbay wareegii koowaad ee doorashada kuwaas oo kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Waxyaabaha laga diiwaan geliyey doorashadii xalay ayaa waxaa ka mid ah in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday inuu tanaasul u sameeyo Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaare u ahaa saddex sano iyo bar oo ka mid ah shantii sano ee uu xukunka hayey, sida an ogaanay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii koowaad ee doorashada helay 59 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay codad gaaraya illaa 47 cod.

Xasan Cali Kheyre iyo kooxdiisa ololaha ayaa markii uu dhammaaday wareegii koowaad waxay kulan la yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ka codsaday inuu tanaasul u sameeyo, ayaga oo u sheegay inuusan rajo badan laheyn, islamarkaana uu codadkiisa ku taageero Kheyre, si uu u gaaro wareegga saddexaad.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la tashi la sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu dambeyn ku gacan sayray codsiga Kheyre, wuxuuna Farmaajo ku adkeystay inuu tartami doono wareegga labaad.

Kheyre ayaa la rumeysan yahay inuu wareegga Sedexaad usoo gudbi lahaa haddii uu taageero ka heli lahaa kooxdiisii hore ee Nabad iyo Nolol, balse waxaa muuqatay in kooxdaas aysan aqbali karin inay arkaan Kheyre oo dalka madaxweyne ka ah, iyagana ay dibad joog ka yihiin.

Go’aanka uu qaatay Farmaajo ayaa ugu dambeyn sabab u noqday inuu fursad weyn helo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka faa’idestay tanaasul la’aanta ka dhacday natiijada wareegii koowaad.

Saddexda musharax ee uu wajahay Xasan Sheekh, waxaa la rumeysan yahay in Kheyre uu noqon karo musharaxa ugu loolanka adag.

Si kastaba, Xasan Cali Kheyre ayaa markiisa ka aarsaday Farmaajo markii ay isku soo hareen isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna inta badan codadka taageerayaashiisa  u wareejiyey dhanka Xasan si loo reebo Farmaajo.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa kala tagay waqtigii dalka loo diyaarinayey doorasho kadib markii uu Kheyre ka horyimid, sida uu rabo Farmaajo in doorashada loo wajaho, waxaana xilligaas la rumeysnaa inuu Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waana taas sababta in si aan dastuurka waafaqsaneyn xilka looga qaaday.

Kheyre wuxuu shalay muujiyey wacadro isaga oo helay codad ka badan intii la filayey, wuxuuna u muuqdaa inuu leeyahay mustaqbal ifiya, haddii uu isa sii dhiso afarta sano ee soo socota

 

 

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleP.M Rooble iyo Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada oo lakulmay Madaxweyne Xasan Shiikh(Sawiro)
Next articleDeni oo qorsheynaya laba tallaabo oo xasaasi ah inuu Qaado marka uu ku laabto Puntland(Xog)