Home Wararka Maanta Khayre iyo Shiikh Shariif oo Xamar Ka Wada Qorshe Culus oo Xasan...

Khayre iyo Shiikh Shariif oo Xamar Ka Wada Qorshe Culus oo Xasan Shiikh Qorshihiisa Muda kordhinta Looga Hortagaayo iyo Farmaajo oo Taageeray Xasan Shiikh

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli uu dhismayo mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kheyre ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, senatarro, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ku beel ah.

Sida ay warbaahintu xog ku heshay, imaatinka Kheyre ayaa la xiriira kulan la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin miisaan culus leh oo diidan in wax laga beddelo dastuurka dalka, sida uu doonayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale, oo dhammaantood Xasan Sheekh kula mideysnaa isbaheysiga mucaaradka markii uu madaxweyne ahaa Farmaajo.

Inkasta oo weli aan la cayimin taariikhda shirka, haddana sida ilo wareedyo kala duwan ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen, mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka dastuurka dalka.

Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaas oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.

Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in xubnaha mucaaradka uusan ka mid aheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQoor Qoor oo Tageeray Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan shiikh
Next articleBooliska Soomaaliya oo baafinaya dahab baadi ah oo ay Hayaan