Home Wararka Maanta ”Khadka cas ayay soo dhaafeen mana u fasaxayno NATO” – Erdogan oo...

”Khadka cas ayay soo dhaafeen mana u fasaxayno NATO” – Erdogan oo Cara kala Dul dhacay tillaabadii Sweden ku Gubtay Kitaabka Quraanka

0

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyey in dalkiisu uusan diyaar u ahayn in Sweden ay ku biirto isbahaysiga NATO, isagoo ku eedeeyey Stockholm inay gabaad siiso argagixisada ayna fududeyso dembiyada nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Isagoo hadlayey wax yar kaddib shirkii Golaha Wasiirrada shalay, Erdogan ayaa cambaareeyey dibadbax lagu gubayo Qur’aanka Kariimka oo lagu qabtay caasimadda Sweden usbuucii hore, isagoo ku tilmaamay “weerar fulaynimo ah” oo lagu qaaday Islaamka “kaas oo dhammaanteen naga caraysiiyey.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa dhaleeceeyey mawqifka dabacsan ee Sweden ee ku wajahan kooxaha Kurdiyiinta ee uu Turkigu u arko kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay in Ankara aysan ansixin karin codsiga NATO ilaa ay tillaabo ka qaadayso.

“Waxaan si cad u sheegnay in dagaalka ka dhanka ah ururrada argagixisada iyo Islaam nacaybka ay yihiin khadkeenna cas” ayuu yiri Erdogan. “Qof walba waa inuu aqbalaa in saaxiibtinimada Turkiga aan lagula guuleysan karin in la taageero argagixisada ama in boos la siiyo argagixisada.”

Ankara ayaa Stockholm ku eedaysay inay diiday inay u gacan geliso “argagixisada” ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh, kuwaas oo ay mamnuuceen mas’uuliyiinta Turkigu kaddib kacdoonka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano socdey.

Ad
Previous articleTaliban oo amartay in la xiro goobaha lagu qurxiyo haweenka
Next articleWeerar gaari lagu jiirsiyey dad Israaliyiin ah oo ka dhacay Tel Aviv (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here