Home Wararka Maanta Khabiir Sacuudi ah oo Shaaciyay maalinta ay noqonayso ciidda

Khabiir Sacuudi ah oo Shaaciyay maalinta ay noqonayso ciidda

0

Khabiir Sacuudi ah ayaa sheegay in qiyaasta cilmul falaga ay muujinayso in ciidul fitriga soonkan ay ku beegan tahay maalinta Jimcaha ah.

Injineer Maajid Abuu Sahra oo ah madaxa ururka khubarada cilmul falaga ee xaruntiisu tahay Jidda ayaa sheegay in qiyaastoo ay bisha Shawaal curan dooonto galabnimada Khamiista, 20-ka April.

Haddii ay sidaa noqoto, waxa ay ka dhigan tahay in soonka uu ku dhammaan doono 29 maalmood.

Khabiirka oo u warramay wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegay in inkastoo ay qiyaastaas hayaan, haddana ay adkaan doonto in dayaxa la arko galabnimada Khamiista.

“Ilayska qoraxda ayaa Khamiista qarin doona dayaxa, waana ay adag tahay in dadku ay si caadi ah u arkaan dayaxa, maadaama uu ka soo bixi doono meel aad ugu dhaw gabbal dhaca,” ayuu yiri khabiir Abuu Sahra.

Waxa uu intaa raaciyay in si loo xaqiijiyo curashada bisha Shawaal loo baahan yahay kaamerada awoodda badan ee loo yaqaano CCD.

Sidoo kale dayaxa ayaa 24 daqiiqo ka dib gabbal dhaca isna dhici doona, sida uu sheegay khabiirka, taas oo yareyn doonto waqtiga lagu arki karo dayaxa.

“Sidaa awgeed, galabnimada Jimcaha ayuu dayaxu si wanaagsan u soo bixi doonaa, waxaana arki kara dadka caadiga ah,” ayuu Injineer Maajid u sheegay warbaahinta SPA.

Golaha saree e Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqay Muslimiinta ku nool Boqortooyada in dayaxa ay baadi goobaan galabnimada Khamiista.

Xarunta caalamiga ah ee cilmul falaga ee Dubai ayaa barteeda Twitter ku sheegtay in dayaxa aan Khamiista laga arki doonin inta badan dunida Islaamka, marka laga reebo Galbeedka Afrika oo ay suuragal tahay in la arko haddii la adeegsado qalab casri ah.

Inkastoo khubarada cilmul falaga ay qiyaastooda sheegeen, haddana waxaa suuragal ah in la arko dad indhaha saaray dayaxa oo dhaarin kadib sidaa lagu ciido.

Waxaa sanado hore dhacday in saadaasha cilmul falaga ay wax badan iska bedashay oo dayaxa la arkay xilli aan la fileyn.

Khubarada ayaa sidoo kale saadaalinaya in dalal ay kamid yihiin Australia iyo Indonesia maalmaha soo socda laga arki doono dayax madoobaad.

Bishii Shacbaan ayaa ku dhammaatay 30 maalmood.

Ad
Previous articleCabdiraxman CabdiShakuur oo weerar ku qaaday xukuumadda Xamza Amaanayna Xasan shiikh
Next articleJubaland oo uu ka bilowday Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab Soomaaliya looga saaraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here