Home Wararka Maanta Khaalid iyo Zaki Cabdirashiid oo kaalinta koowaad ka kala galay kulliyadaha Duuliyenimada...

Khaalid iyo Zaki Cabdirashiid oo kaalinta koowaad ka kala galay kulliyadaha Duuliyenimada iyo Injineeriyadda Batroolka

0

Khaalid iyo Zaki Cabdirashiid Sheekhaali, waa laba wiil oo walaala ah oo sannadkan ka qalin jabiyey jamacado ay ka qaateen shahaadada heerka koowaad.

Inkasta oo ay laba dal oo kala duwan wax ku baranayeen isla markaana ay kulliyado kala duwan dhiganayeen, haddana Khaalid iyo Zaki waxay ka siman yihiin dhowr arrimood.

Labaduba waxay kusoo barbaareen waxna kusoo barteen aqalka abtigood, Cabdullaahi Rashiid oo waxbarashadoodu dugsi hoose dhexe ilaa heer jaamacadeed gacanta kusoo hayey, balse tan ugu muhiimsan waxay tahay in midkood waliba uu kaalinta kowaad u galay ardadii ay halka mar ka wada qalin jabiyeen kuliyadda oo ay sannadkan qalin jabiyeen.

Injineer Khaalid Cabdirashiid.

Aan ku bilownee Khaalid, waa 23 jir ka baxay dugsiga sare ee Alim oo ku yaal magaalada Machakos ee dalka Kenya sannadkii 2017, wuxuuna dabcan soo bilaabay sannadkii 2014.

Sannadkii 2018 wuxuu ku biiray jaamacadda weyn ee Nairobi oo sida magaceeda ka muuqata ku taal caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, isaga oo halkaas ka bilaabay safarkiisa maadada injineernimada batroolka “Petroleum Engineering”.

“Koorsigu wuxuu ahaa shan sano, koorsigu sidiisaba hadii uu Injeernimo yahay waa shan sano,” ayuu yiri Khaalid oo ka sheekaynaya mudada shanta sano ah ee uu halkaas ka baranayey injineernimada culuumta shidaalka.

Wuxuu dhameeyay sannadkan 2023, isaga oo sida uu sheegay aysan wax maaddo ah kusoo laaban sidaasna ay ugu suura gashay inuu ku dhameeyo muddadii shanta sano ahayd.

Imtixaankii u dambeeyay wuxuu galay bishii lixaad ee sannadkan sidaasna waxaa ugusoo afmeermay shan sano oo uu ka xereeyay barashada injineernimada batroolka. Balse sidaan korba kusoo xusnay wuxuu kaalinta kowaad ka galay guud ahaan ardadii ay isku maaddada diyaarinayeen sannadkaas ee jaamacaddiisa.

“Isku celceliskii hore anigaa ahaa ardaygii ugu horreeyay, laakiin markay timaado sannadka ugu dambeeya, maadoonyinka aan baranno waxaa weeye maadooyin badan, sanndkii ugu yaraan waxaan bartay 14 maaddo,” ayuu yiri Khaalid oo ka jawaabayey inuu filayey kaalinta kowaad iyo in kale.

“Natiijadii markay soo baxday, nidaamkii dawladda oo la jabsaday awgeed waxay sheegeen in aysan xogta soo gelin karin website-ka, balse waxay sheegeen hal arday inuu ku jiro darajada ‘First Class’,” ayuu yiri Khaalid oo sii wata hadalka. ‘First Class’ waa darajada ugu sarreysa ee uu heli karo ardayga diyaarinaya maaddada injineernimda, sidaas waxaa ku sharxay Khaalid.

Waxa uu sheegay in ardadu ay “aaminsanaayeen inaan noqon doono qofka ugu sarreeya” maaddaama ay kasii tusaale qaadanayeen celceliska imtixaannadii hore oo uu kaalinta ugu sareysa kaga jiray, markii la sheegay in hal qof oo kaliya uu ku jiro darajadaas ugu saraysa, Khaalid iyo ardada kaleba waxay iskasii garteen in qofkaasi isaga yahay.

Qalin jabinta Khaalid ayaa dhacday Jimcihii hadda lasoo dhaafay – 22 Sebtembar, waxaana sida ka muuqata natiijada oo ay BBC-du aragtay darajada ugu sareysa ee ‘First Class ’ ku suntan Khaalid Cabdirashiid oo kaliya.

Kabtan Zaki Cabdirashiid

Dhanka kale waxaa jira Zaki Cabidrashiid Sheekhaali oo 21 jir ah, oo isla sannadkan ka qalin jabiyey duuliyenimo, Dugsiga Adeegga Duulimaadka ee Abyssinia oo ku yaal magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Zaki wuxuu Dugsiga Sare ee Light Academy oo ku yaalla ee magaalada Mombasa ka bilaabay wax barashadiisa dugsiga sare, sannadkii 2016 isaga oo soo afmeeray sannadkii 2019.

Intaas ka dib, si ka duwan Khaalid, Zaki isagu wuxuu u kicitamay dalka Itoobiya si uu usoo barto duuliyenimo diyaaradeed maadaama “Aabe saas u fakaray inay duuliyenimada xagga ku fiican tahay sababtoo ah arday badanbay bartaa, tartankuna xagga wuu ka badan yahay, tan kale itoobiya waxaa waaye inta badan dhul buura badan oo waaya aragnimada aad ka qaadanaysid way ka weyn tahay tan aad Kenya ka baranaysid.” Ayuu yiri Zaki oo ka hadlayey waxa uu ku doortay inuu itoobiya kasoo barto duuliyenimada.

Qybihii hore ee sannadkii 2021 ayuu zaki bilaabay wax barashadiisa duuliyenimo taas oo uu soo gabgabeeyay bil ka hor. Qalin jabinta Zaki waa weli, balse natiijadiisa ayuu ogaaday wuxuuna sheegay in uu kaalinta kowaad ku jiro walow ay saddex arday oo kaliya isugusoo hareen imtixaankii u dambeeyay.

Mudadaas labada sano iyo barka ah, wuxuu Zaki ku qaatay laba shahaado ama ruqsadood oo kala ah ruqsadda shakhisiga ‘Private licence’ iyo tan ganacsiga ama shaqada oo uu ku duulin karo diyaaradaha waaweyn ee rakaabka qaada ‘Commercial licence’.

Si aad u qaadato ruqsadahan waa inaad diyaariso sagaal buug oo aad imtixaanadoodana aad gasho “kadibna waxaa laguu wareejinaa meel oo la dhahaayo Simulator,” ayuu yiri Zaki oo sharxaya geedi socodka barashada duuliyenimada.

Simulator-ku waa meel u eg qaybta laga wado diyaaradda, isla markaana ay ku idilyihiin qalabkii hagista, waxayna ka caawinaysaa ardayga inuu dareemo ama fahan ka qaato sida ay tahay diyaaraddu ka hor inta aan la saarin diyaarad uu isagu duulinayo. Simulator-ku wuu dhaqdhaqaayaa waxaadna u duulin kartaa sida diyaaradda wallow uu yahay qol yar dhexdiisa oo aan meelna aadeynin.

Intaas kadib sida aan kasoo xigannay Zaki, diyaarad ayaa la saarayaa uu wadayo ardaygu, ugu dambeyntana waxaa loo dhiibayaa diyaarad uu isagu kaligiis duulinayo oo uu mgaalo geynayo kana soo celinayo, “maalinbaa kaligaa lagu sii deyn.. waxaa lagu baraa inaad magaalooyinka kaligaa tagi kartid kana soo laaban kartid,” ayuu yiri Zaki.

Intaas markaad kasoo dhamaato waxaa jira sida uu Zaki sheegay; imtixaan weyn oo waaxda duulimaadka dalka aad ka samaynaysid, “waa imtixaan weyn oo duuliyeyaasha dalka oo dhan sameeyaan, waa laba imtixaan oo labaduba qoraal yihiin, marka aad ka gudubtid waxaa lagu siinaa leysanka duuliyenimada” ayuu yiri Zaki.

Zaki iyo Khaalid waxay labaduba horumarkooda u tiiriyeen waalidkooda oo dhiirigelin badan siin jiray tacabna galiyey. Zaki wuxuu sheegay in imtixaankii u horeeyay ee uu galay uu ku dhacay isla markaana uu aabihiisa canaantay, “ Aabaa I canaantay oo yiri sideed imtixaan ugu dhacaysaa adigoo fursaddan lagu siiyey” ayuu yiri Zaki oo ka hadlayey sida ay waalidkiisu u garab taagnaayeen.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Markii ugu Horaysay Mucaaradkiisa Ugu Yeeray inay Kismaayo yimaadaan
Next articleWasiir Fiqi oo Gaaray Furimaha Koonfurta Mudug Xili Alshabaab Howdka Galeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here