Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay ciidamada Kenya ku qaadeen goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa.
Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal dagaalyahan, ayna ku dhaawaceen tiro kale.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen goobta ay ku sugnaayeen xubnaha, ayna ka heleen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin iyo waxyaabo kale.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Kenya.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Kenay ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, ayada oo ujeedka uu yahay in la xaqiijiyo amniga, lagana hortago weerarada hubeysan ee kooxda.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”