Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuu oo Weerar ku Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Cabdiraxmaan Cabdishakuu oo Weerar ku Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal ku dhaliilayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay in bedela markii ay xukunka qabsadaan.

Cabdiraxmaan oo u muuqda inuu ku dhegahadlayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta si guud ugu dhaliilay in aysan cashar ka baran waayihii lasoo maray.

“Silsalada waayaha siyaasada Soomaalida waa kuwo isku eg, dhacdooyinkuna iyagoo isku mid ah ayey soo noqnqodaan, sababtuna waa in aan cashar laga baran waaya-aragnimada iyo tijaabooyinkii halista lahaa ee la soo maro,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Nin saaxiibkeey ah ayaa i waydiiyey, war ninyahow madaxda Soomaalidu maxay u miir la’yihiin markii ay xukunka hayaan, haddii ay xilka ka degaana dad macquul ah u noqdaan.”

“Waxaan ku iri, xukunku wuxuu leeyahay sarqaan ruuxa miyirka ka qaada, haddii ruuxa madaxda ahi dad karti, aqoon, iyo ku dhac leh xusho, gacanta ayey qabtaan, laakiin haddii uu arursado kuwo ka gabada ama sacab, iyo sax weeye ku yiraa, sarqaanka ayuu ku socdaa, ilaa uu ka gaaro halkii uu odaygii Soomaaliyeed ka yiri;-

“Markii aan tabar hayeyna talo ma hayn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aad u diidan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka nidaamka hoggaaminta dalka, qorshahaas oo sababaya in wax laga bedelo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in dalka laga hir-geliyo nidaam madaxtooyo oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka ah, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, qorshahaan ayaa diidmo adag kala kulmaya siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in shir weyne ka dhan ah qorshaha uu damacsan yahay Xasan Sheekh ay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale.

Markii uu dhawaan furmo kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay horgeeyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in loo guuro nidaam madaxtooyo iyo qodobo kale oo wax badan ka bedelaya dastuurka dalka.

Ad
Previous articleSida haweeneydan oo madadaalo u sameyneysa askarta dalkeeda ay gantaal ugu dhufteen ragii ay iska horjeedeen
Next articleKenya oo Weerar Ku Qaaday Goob Alshabaab isku aruursanaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here