Home Wararka Somaliya Kenya oo Safaaradeeda Muqdisho Maanta dib ufuratay

Kenya oo Safaaradeeda Muqdisho Maanta dib ufuratay

0

Dowladda Kenya ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furtay dhismaha cusub ee safaaraddeeda ee magaalada Muqdisho, bilo kadib markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Safaaradda ayaa waxaa furtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tagtay Muqdisho, waxaana wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen labada wasiir ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay soo dhoweynayeen dib ugu laabashada labada safiir ee xarumahooda diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Waxay sheegeen in taasi ay xudun u aheyd ballan-qaadka furitaanka bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa la filayaa in lagu sii xoojiyo socdaal la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu toddobaadkan ku tago magaalada Nairobi.

Rooble oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, ayaa kadib qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.”

Ad
Previous articleWafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo soo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Madaxweyne Shariif iyo Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here