Home Wararka Maanta Kenya oo Latimid Qorshe Dowlada Soomaaliya Alshabaab uga Adkaatay

Kenya oo Latimid Qorshe Dowlada Soomaaliya Alshabaab uga Adkaatay

0

Kenya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay dadka deegaannada Waqooyi Bari uga qeybgalinayso dagaalka ay kula jirto ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha waddankeeda.

Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka ay iyaguna sameyn doonaan.

“Xalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

Wasiirk Kindiki oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay dowladda dhexe in ay taageero buuxdo ka haystaan dadka deegaanka iyo maamulkooduba.

“Taageero buuxda ayaan ka haysannaa madaxda deegaanka iyo bulshada ba oo waxa ay diyaar u yihiin in aan si buuxda u soo afjarno dhibaatada Al-Shabaab. Suuragal ma ah in boolisku ay ilaaliyaan guri kasta.”

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa’iideysanaya dadka deegeenka oo uu sheegay inay isku luuqad iyo diin ay yihiin dadyowga deggan dhanka Soomaaliya.

“Waxaan mar kasta sheegaa in aan ka faa’iideysan karno xiriirka dhaqan, diin iyo luuqad ee ka dhexeeya shacabkeenna waqooyi bari iyo dadka ku nool gediga kale oo aan siino taageerada dowladda. Bilaha soo socda waxaan si buuxda uga adkaan doonnaa Al-Shabaab oo waxaan dib u soo ceshan doonnaa dalkeenna.”

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Rag ka Tirsan Alshabaab oo aasaayay Miino oo ayagii La Kacaday
Next articleJacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan iyo qisada ku duugan