Home Wararka Somaliya Somaliland Kenya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Iney Safaarad Ka Furaneyso Somaliland

Kenya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Iney Safaarad Ka Furaneyso Somaliland

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr Alfred Mutua ayaa sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua.

Wuxuuna intaa raaciyey Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinnimo ee labada dal.

Hadalka Mutua ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.

Amar madaxweyne oo 9-ka bishan January ka soo baxay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso lix waddan, taasi oo qeyb ka ah iskuday lagu ballaarinayo xiriirka howlgallada diblumaasiyadeed ee ay Kenya la leedahay caalamka intiisa kale.

Amarkan, oo uu tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa lagu sheegay safaarado ama qunsuliyado inuu dalka Kenya ka furanayo magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa.

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Lixda safaaradood ama qunsuliyadood ee cusub oo ay Kenya waddamadaasi ka furaneyso ayaa 66 gaarsiinaya tirada waddamada ay Kenya safaaradaha ku leedahay.

Ad
Previous articleQaraxyo Culus oo Lagu Weeraray Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan
Next articleMadaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka Xili U Dhawaan Dowlada Federalka Xariirka Ujaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here