Home Wararka Maanta Kenya Oo Bilowday Qorshe ay ku Dhabar Jabinayso Dowlada Soomaaliya

Kenya Oo Bilowday Qorshe ay ku Dhabar Jabinayso Dowlada Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa maalmo kahor bilowday qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharaxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay Kenya u wadaa Raila Odinga, waxayna bilowday wada-hadallo ay Soomaaliya ugu qancineyso inay taageerto ninka ay u wado kursigaas.

Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay Soomaaliya intii lagu guda jiray kulankii Talaadaddii dhex-maray madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare oo maalmihii dambe ku sugnaa Nairobi.

Qorshaha Kenya ay ugu qal-qaalineyso Soomaaliya inay ka tanaasusho musharaxnimada kursigan muhiimka ayaa u muuqda mid ay xukuumadda Nairobi ay fadeexad ku dhex istaajineyso Soomaaliya, oo ayadu horey diiwaanka u gashay inay lugaha qabato musharaxiinta kuraasta muhiimka ah u ordeysa.

Daba-yaaqadii sanadkii tegay waxay dowladda Xasan Sheekh dhabar-jebin ku sameysay Xildhibaan Marwo Bashiir oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, una tartameysay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Marwo oo markaas olole xooggan u gashay hanashada kursigaas ayaa waxay sheegtay inay dhabar-jebiyeen madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac ayaa lagu wargeliyay Marwo in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taasi oo la yaab iyo dhabar-jebin culus ku noqotay, sida ay sheegtay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, hase yeeshe looga guuleystay maadaama aysan garab ka haysanin dalkeeda.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa xilligaasi balan siyaasadeed kula gashay xilkaasi dhiggeeda Tanzania, ayada oo sheegtay inay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Si kastaba, arrintaas ayaa boog iyo sumcad xumo weyn ay ka dhaxashay dowladda Xasan, waxaana markaan hortaalla tijaabo kale oo ay uga baaqsan karto in la dhex joojiyo fadeexad iyo in diiwaanka u gasho dhabar-jebinta masuuliyiinta xilalka sare ee gobolka iyo caalamka uga doona Soomaaliya.

 

Ad
Previous articleIsraa’iil oo ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden
Next articleWar Deg Deg ah: Qaramada Midoobay oo Ka Jawaabtay Dalabkii Dowlada Soomaaliya ee UNSOM Soomaaliya looga Saaraayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here