Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halakeeyay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee Al-Shabaab ku la koonfurta Soomaaliya, kaas oo uu yaalla degmada Jilib ee gobolkaas oo ay gacanta ku hesyo kooxdu.
Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay dab xoogleh oo guriga qabsaday, taasna ay sii adkeysay xaaladda goobta.
Dhacdadan ayaa dhacday saddex habeen kahor, gaar ahaan xilli salaaddii Maqrib ah, mana cadda waxaa dhaliyay qaraxa xoogan ee qabsaday keydkaasi hub ee Al-Shabaab.
Ma shaacin warbaahinta dowladda khasaare kale oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo inuu baaba’ay kaydkii hubka ee Al-Shabaab u yaalay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in arrintan ay shaki weyn ka dhex dhalisay kooxda, isla-markaana lagu dhagay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Jeeri oo ah sarkaalka gacanta ku hayay kaydka, kaas oo ay warbaahinta dowladdu sheegtay inuu kasoo jeedo Galgaduud.
Si kastaba, qaraxaan halakeeyay kaydka hubka ee ugu weyn koonfurta ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, xilii ay haatan kooxda wajaheyso guluf dagaal oo ay wado dowladda dhexe.