Home Wararka Maanta Karaash oo Dhabar jabin ku Sameeyey Go,aankii Siciid Deni

Karaash oo Dhabar jabin ku Sameeyey Go,aankii Siciid Deni

0

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo war cusub kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Puntland ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, gaar ahaan xulista xildhibaanada SSC.

Karaash ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweyayo go’aanka Garaadada Khaatuma, baaqii musharixiinta mucaaradka iyo go’aannadii Ismimada dhaqanka Puntland.

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, markaan tixgaliyey go’aankii  kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay go’aankii madaxweyne Saciid Deni ee ku aadanaa in lasoo xulayo 17-ka xildhibaan ee SSC, si ay u galaan doorashada, wuxuun taasi beddalkeed Axmed Karaash soo dhaweeyay in doorashada lagu galo kaliya 49 xildhibaan.

“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada  deeganadaas” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale ka digay in madaxtooyada iyo dhinacyada kale ay qaadaan tallaabo keeni karta qalalaase ka dhaca Puntland

“Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa weli  ka taagan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay doorashada iyo go’aankii bixintaanka ee ay ku dhowaaqeen Isimada SSC-Khaatuma

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowladda Burundi oo Soomaaliya kaka Baxday Ciidamadeedii ugu Badnaa Halmar
Next articleXamze cabdi bare oo Dhex ku Caajisay Shir uu maantay Ka Qayb Galay