Home Wararka Caalamka Kadyrov oo sheegay in Ruushka uu la wareegi doono Mariupol Khamiista Maanta

Kadyrov oo sheegay in Ruushka uu la wareegi doono Mariupol Khamiista Maanta

0

Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa sheegay inuu si dhab ah u hubo in Ruushka uu la wareegi doono maamulka warshadda birta ee Azovstal ee Mariupol Khamiista maanta.

“Maanta, ka hor ama ka dib qadada, Azovstal waxay si buuxda u hoos iman doontaa xukunka ciidamada Ruushka,” Kadyrov, oo ciidamadeedu ka dagaalamayaan Ukraine, ku sheegay Telegram horaantii Khamiista maanta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Ukraine ay isku soo dhiiba ay fursad u heli doonaan in ay isa soo dhiibaan. Haddii ay sameeyaan, wuxuu ku kalsoon yahay in hoggaanka Ruushku uu qaadan doono “go’aanka saxda ah”.

Ruushku waxa ay rumaysan yihiin in ku dhawaad ​​2,500 oo ciidamada Yukreeniyaan ah iyo dagaalyahanno ajaanib ah ay isku difaaceen biraha. Ilaha Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in ku dhawaad ​​1,000 qof oo rayid ah ay magangelyo u tageen halkaas.

Taliyaha ciidamada badda ee magaalada ayaa codsaday in askartiisa oo ka mid ah 500 oo dhaawac ah loo qaado dal saddexaad.

Wadahadallo lala yeeshay Ruushka Arbacadii, laba wakiil oo Ukraine ah ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay u safraan Mariupol si ay ugala xaajoodaan daadgureynta ciidamada iyo dadka rayidka ah ee warshadda ku jira.

Ad
Previous articleAlshabaab oo xeelad Layaab leh Ku Qarxiyay Askar Ku Sugnayd Bar Koontarool
Next articleWasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Bangiga adduunka kala hadlay dayn cafinta Soomaaliya kadib digniintii hay’adda IMF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here