Home Wararka Maanta Ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo wajigii kowaad la soo gabagabeyay

Ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo wajigii kowaad la soo gabagabeyay

0

Hogwalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo hore loo oran jiray AMISOM, ayaa soo gabagabeyay wajigii kowaad ee dhimista ciidamo gaaraya 2 kun oo askari, iyadoo ammaanka goobaha ay ka baxeenna lagu wareejinayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Ciidamada ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari waxii ka horeyay bishii Deceember ee sanadkii tagay ayaa sameyn doona dhimis kale bisha Sebtembar ee sanadkaan 2023, iyo Juun 2024 taasoo ay xigi doonto bixitaan kama dambaysta ah ee ciidanka ATMIS ee bisha December 2024-ka. Laakin waxaa jiro walaac laga muujiyay dhimistaan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee loo baddelay 1 dii bishii April 2022, ATMIS waxaa 19 kii bishii Janaayo 2007 dhidibada u taagay Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ka dib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 20-kii bishii Febraayo 2007 u ogolaaday Midowga Afrika inuu ciidamo nabad ilaalin ah u diro Soomaaliya kuwaasoo ka hawlgalayay Soomaaliya muddo lix bilood ah balse ciidmadaan ayaa Soomaaliya jooga in kabadan 15 sano.

Howlgalka ayaa waxaa lagu bilaabay ciidamo ka socday wadamada Uganda iyo Burundi halka ay dib ugu soo biireen ciidamada wadamada safka hore ee Itoobiya kenya iyo Jabuuti..

Bilaabashada ka bixitaankooda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab oo haysta deegaanno ku yaal bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ad
Previous articleDuqayn Culus oo lagu Garaacay Magaalada Ceelcada iyo Khasaaro Xoogan oo Ka Dhashay
Next articleKenya oo dib u dhigtay dib u furista xadka Soomaaliya sababo la xiriira “mowjado weerarro ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here