Home Wararka Somaliya Jubbaland oo dalbatay in Xilka Laga qaado Taliyaasha Ciidamada Dowladda

Jubbaland oo dalbatay in Xilka Laga qaado Taliyaasha Ciidamada Dowladda

0

Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Xirsi Jaamac Gani ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble in uu  xilalka ka qaado Taliyeyaasha Ciidamada.

Wasiir Xersi oo qoraal soo dhigay Barta Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in uu adeegsado awoodiisa Dastuuriga ah, isla markaana uu dhamaan xilalka ka qaadao Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

“ Sida ku cad qodobka 99aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa  ku jira xuquuqda RW iyo laantiisa fulinta inay dalacsiiyaan ama shaqada ka eryaan taliyayaasha ciidamada. Waxaan kula talinayaa Ra’iisul Wasaare Rooble  inay tahay inuu adeegsado awoodiisa si uu faa iidada ugu helo mideynta ciidamada ayuu yiri” Xersi Gaani.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland cabdi Xuseen Maxamed ayaa shalay sheegay in Jubbaland weli ay shaki ka qabto Saraakiisha Ciidamada, isla markaana ilaa Farmaajo uu si rasmi ah uu ugu wareejiyo amniga dalka Ra’iisul Wasaaraha aysan ka qeyb galeyn shirar looga hadlayo Arrimaha doorashada.

Dhowr jeer ayaa Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharixiinta ay dalbadeen in xilalka laga qaado Taliyeyaasha Ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  u adeegsaday Arrimo siyaasadeed kuna weeraray Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleErgada Dowladda Qadar ee Jooga Soomaaliya oo La shirsan Madaxda Maamul gobaleedyada dalka
Next articleFarmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomiyay Safiirka Cusub ee Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here