Home Wararka Maanta Jubaland oo uu ka bilowday Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab Soomaaliya looga...

Jubaland oo uu ka bilowday Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab Soomaaliya looga saaraayo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay maanta howlgallo qorsheysan ka bilaabeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa u dhaqaaqay deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka Kismaayo, si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab, una xoreeyaan dhulkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay ku arkeen agagaarka Kismaayo, isla-markaana ay howlgallo culus ka bilaabeen halkaasi.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanada ay joogaan Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay wacad ku mareen inay horay usii socon doonaan, illaa inta laga xoreynayo gobollada Jubbooyinka oo ay haatan ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ka socday diyaargarow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo inuu dhawaan ka billowdo Jubbooyinka.

Si kastaba, inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay hogaamineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleKhabiir Sacuudi ah oo Shaaciyay maalinta ay noqonayso ciidda
Next articleCiidamadda Gorgor Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano Dhowr Ah Oo Ka Tirsan Gobalka Sh.Hoose