Home Wararka Maanta Jubaland oo qayladhaan usoo dirsatay Dowalada Soomaaliya oo Cunaqabatayn kusoo rograt

Jubaland oo qayladhaan usoo dirsatay Dowalada Soomaaliya oo Cunaqabatayn kusoo rograt

0

Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Wasiir Dhuumaal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khilaafkaan uu saameyn weyn ku yeeshay amniga Jubbaland, isla markaana ay lama huraan tahay in la xaliyo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi, isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay qaar kamid ah safiirrada caalamka.

“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu lasoo kulmay madaxda dowladda Kenya, maadaama aan wadaagno xuduud dheer, muhiimna ay tahay inaan ka wadashaqeyno amniga, markii barnaamijyadaasi u soo dhamaadeena, wuxuu ku soo noqday Kismaayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira wadahadalo ay yeesheen Jubbaland iyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in wax wadahadal ah aysan dhicin, “xitaa hadii ay jirto waa wax madaxweynaha gaar u ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey in Axmed Madoobe uu Nairobi u tegay arrimo caafimaad, wuxuuna dafiray hadal-heyntaas, “Qaabilaad iyo shaqo ayuu ku jiray mooyaane, ma jirin arrimo caafimaad oo madaxweynuhu Nairobi u tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiirka ayaa quus ka muujiyey xaaladda Jubbaland, isagoo tusaale u soo qaatay in isagoo jooga Doolow uusan tegi karin degmada ugu dhow ee Luuq, “Khalaafkaan saaneyn adag ayuu nagu yeeshay ciidamadii waxaa laga soo jeediyey argagixisadii ay dagaalka kula jireen, waxaan joogaa Doolow oo go’doon ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDawladda Soomaaliya oo tallaal qasab ah ku soo rogtay Shacabka Soomaaliyeed
Next articleGuri Kuyaala Kismaayo oo Loogu Tagay Koox Ka Tirsan Alshabaab