Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo Maantay Dib U Bilowday Doorashadii Golaha Shacabka iyo Xildhibaano la...

Jubaland oo Maantay Dib U Bilowday Doorashadii Golaha Shacabka iyo Xildhibaano la Doortay(Sawiro)

0

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa saaka ku qabtay magaalada Kismaayo doorashada 3 kursi oo ka tirsan Golaha shacabka Somalia taasoo aheyd mid aan lagu tartamin oo ku dhamaatay tanaasul iyo gacantaag.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga tirsigiisu yahay HOP023 kaaoo ay kuwada tartamayeen musharax Sahra Cabdi Cilmi  iyo musharax Nasra Mahdi Caraale.

Musharax Sahra Cabdi Cilmi ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada iyadoo Musharax xildhibaan Nasro Mahdi Caraale loo qaaday codka gacantaag ah, 100 ergo ayaana HAA ku codeeyey, halka hal codna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Guddiga Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa ugu dambeyntii shaaciyey in kursiga HOP023 ay ku guuleeystay  Nasro Mahdi Caraale .

Sidoo kale,  Xildhibaan Cadar Xareed iyo Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaa tanaasulay musharaxiintii la tartamayey ka dibna cod gacantaag ah ayaa lagu ansixiyey.

Ad
Previous articleCali guudlaawe oo Magacaabay Gudi Soo baara Dilkii Taliyii Saldhiga Baladweyne
Next articleGudiga Doorashooyinka Oo Sheegay inay Qabanayaan Doorashada Madaxweynaha Garbahareyna Loo Xayirnanayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here