Hadalkan ayaa ka soo baxay isu soo bax ka dhacay gobolka Iowa, halkaasi oo uu madaxweynuhu kaga hadlay talaabooyinka uu maamulkiisu ku joojinayo sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka.
“Miisaaniyadda qoyskaaga, awooddaada aad ku buuxin karto taangiga, midkoodna kuma xirna in kaligii taliye dagaal galo oo uu xasuuq ka geysto dhinaca kale ee caalamka,” ayuu yiri.
Biden waxa uu hore u sheegay in aanu rumaysnayn in falka Ruushku uu ka dhigan yahay xasuuq, sida ay aaminsan tahay dawladda Ukraine, balse ay taasi tahay su’aal la xidhiidha dembiyo dagaal.