Home Wararka Maanta Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo xilka ka qaaday Jeneral Maxamed Xamdaan oo Dagaal...

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo xilka ka qaaday Jeneral Maxamed Xamdaan oo Dagaal adag Dhexmaray

0

Wareegto uu soo saaray maanta uu Jimco ah madaxa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayuu xilka LOOGA qaaday ku-xigeenkiisa dagaalka xooggan kala dhaxeeyo EE Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo (Xemeti )

Xafiiska warbaahinta ee golaha haya Talada Sudan ayaa baahiyay wareegtada xilka looga qaaday Jeneraal Xemeti, waxaana wareegta lagu sheegay in maanta laga bilaabo xilkii uu golaha talada dalka Sudan ka hayay laga qaaday ninka hoggaamiyaha ciidamada RSF.

Wareegto kale uu isla maanta soo saaray madaxa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayuu  ku-xigeenkiisa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan u magacaabay ninka lagu magacaabo Maalik Caqaar.

Xil ka qaadista uu sameeyay Jeneraal Al Burhaan ayaa imanaeysa xilli dalka Sudan uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga uu hoggaamiyo Al Burhaan iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF uu hoggaamiyo kuxigeenkii hore Jeneraal Xamdaan.

Madaxda talada dalka Sudan hayay ee Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayaa sidaan oo kale dhawwaan xilka uga qaaday taliyihii ciidanka booliiska iyo saraakiil kale, waxa uu sidoo kale amray in mushaaraadka laga xanibo ciidanka dagaalka kula jira milatariga ee RSF.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleFaahfaahin Dheere ah oo laga Helay Dilka loogaystay Dahir Cali Hussein
Next articleCiidamo Soomaaliyeed oo tababar aan caadi aheyn loogu soo xiray dalka Uganda (Sawirro)