Home Wararka Maanta Jeneraal Odawaa oo tagay furumaha Dagaalka xilli howlgal cusub bilaabanayo (Sawirro)

Jeneraal Odawaa oo tagay furumaha Dagaalka xilli howlgal cusub bilaabanayo (Sawirro)

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray furumaha hore dagaalka ay joogaan ciidanka xoogga dalka, halkaas uu ka wado abaabulka howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa gaaray deegaanka Ceel Cali Axmed , waxa uuna halkaasi ugu tagay taliyaha cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ,kuwaa uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa wajiga labaad ee howlgalka Al Shabaab dalka looga saarayo.

Taliyaha ayaana ciidanka uu la kulmay ku ammaanay sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda, waxa uuna kula dardaarmay in u diyaar garoobaan dagaal kama dambeys ah oo Al Shabaab dalka looga cirib tirayo.

Milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada deegaanka iyo kuwa dalalka dariska la ah Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawwaan bilaabaan howlgal qorsheesan oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin wali dalka ka joogaan.

Ad
Previous articleCiidamadii Dowlada ee Qabsaday Galcad oo u jihaystay Deegaano kale oo Ka Tirsan Galmudug
Next articleTrump “Qareen Merchan wuu i neceb yahay” Waa kuma garsooraha aan qoslin ee gacanta ku haya dacwadda Trump?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here