Home Wararka Maanta Jarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi

Jarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi

0

Ku dhawaad 25 qof ayaa loo xiray howlgallo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda.

Jarmalku waxa uu sheegay in kooxda xagjirka ah ee midigta-fog iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray milatariga ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka ee Reichstag oo ay awoodda dalka la wareegaan.

Nin lagu magacaabo Heinrich XIII, oo 71 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa qorshahaan. Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah.

Tiro lagu qiyaasay 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda la sheegay in ay maleegayeen in ay afgambiyaan jamhuuriyadda oo ay ku bedelaan dowlad cusub .

“Weli magac uma hayno kooxdan,” ayay tiri afhayeen u hadashay xafiiska xeer ilaalinta federaalka.

Weeraro ayaa ka dhacay dalka intiisa badan, waxaana labo qof lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jarmalka ee DPA.

Dadka la xiray ayaa lagu waday in su’aalo la weydiiyo gelinka dambe ee maanta. Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah kooxdaas uu socdo.

Dacwad oogaha dowladda dhexe ayaa sheegay in kooxdan ay maleegayeen afgambi rabshado wata tan iyo bishii November 2021-kii.

Jarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMuuse Biixi oo u ambabaxay Dalka Jabuuti oo uu Ku suganyahay Madaxweyne Xasan Shiikh Xili La Filaayo inay Bilowdaan Soomaaliland Iyo Soomaaliya
Next articleDowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia