Home Wararka Maanta James Swan oo mar kale loo magacaabay ergeyga gaar ah ee xoghayaha...

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, kadib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahad-celiyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Kahor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibedda Marwykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleAskar Ka TIrsan Dowlada oo Markale Maantay Toogasho ka Gaystay Muqdisho
Next articleFirdhiye oo ku Biiray Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Muqdisha Kasocda