Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada.
Waxaa uu xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada kuraasta hartay.
Waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo.
Hadalkiisa waxa uu Ergaygu ku boorriyay madaxda Soomaaliya in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana shaqeeyaan danta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, soona gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo, isla markaana dib diiradda loo saaro dadaallada mudnaanta qaran leh sida amniga, dawlad- dhiska iyo horumarka.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday