Home Wararka Maanta Jahwareer ka dhashay dhac loo geystay guri uu leeyahay weeraryahanka Liverpool

Jahwareer ka dhashay dhac loo geystay guri uu leeyahay weeraryahanka Liverpool

0

Dadka ku nool dalka Masar ee adeegsada baraha bulshada iyo dadka kale ee ku nool dalalka Carabta ayaa si weyn uga hadal hayay dhac loo geystay guri uu leeyahay ciyaaryahanka xulka qaranka Masar iyo weeraryahanka kooxda Liverpool, gurigiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ee Al-Qaahira.

Sida laga soo xigtay, warbaahinta gudaha, ciidamada Masar waxay warka ka heleen qoyska Maxamed Saalax oo kusoo wargeliyay in guriga ciyaaryahanka la dhacay.

Qof ka tirsan qoyska oo la hadlayay booliska ayaa sheegay in isaga oo marayay guriga agtiisa uu arkay daaqadda oo la jebiyay isla markaana uu ogaaday in alaabo badan laga xaday halkaas.

Durbadiiba, madaxa dambi baarista magaalada Al-Qaahira, Janaraal Maxamed Cabdullaahi wuxuu faray baarayaasha inay baaritaan ku sameeyaan sababta ka dambeysa dhacdada si loo ogaado dambiilayaasha, caddaalladdana loo horkeeno.

Baarayaasha ayaa gaaray guriga, waxaana su’aalo la weydiyay dadkii goob joog ahaa iyagoo sidoo kale eegay kameerooyinka ku xirnaa halkaas si loo soo qabto kuwa lagu eedeynayo dhaca.

Yuusuf Al-Badri oo ah tifaftiraha guud ee wargeyska Masrul-Yawm wuxuu faahfaahin ka bixiyay dhaca loo geystay guriga Maxamed Saalax uu ku lahaa magaalada Al-Qaahira.

Mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Warbaahinta Masar, Camr Cadib, waxa uu yiri, “Laamaha ammaanka waxay warbixin ka heleen wiil uu adeer u yahay Maxamed Saalax, oo ku saabsan dhac loo geystay guriga Maxamed Saalax oo ku yaalla degmada koowaad, laamaha amniga ayaana dabagal ku haya kiiskaas”.

Al-Badri waxa uu sharraxay in kooxda baaritaanka ku howlan ay ku rajo weyn yihiin inay soo ogaadaan cidda ka dambeysay dhacdadaas, maadamaa ay xogta tilmaameysa in maalin kasta ay dib u eegis ku sameynayeen ilaa 21 kamid ah kameerooyinka ku xirnaa guriga ee ilaalinayay amniga halkaas.

Hadal heynta baraha bulshada

Dhacdadan ayaa horseeday in dad badan ay ka hadlaan dhaca loo geystay guriga Maxamed Saalax, kuwaas oo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin xiddigga Masar, halka qaarkoodna ay su’aalo ka keeneen ammaanka Masar.

Cammaar Cali Xasan oo kamid ah dadka baraha bulshada arrintan uga falceliyay ayaa yiri: “Ilaah baan ku dhaartaye waa dhacdo ceeb ah, Maxamed Saalax hal dinaar kamuu xadin dalkan, xitaa tuugta halkan tuugada xisaabta ayaa ka khaldantay.”

Dad badan waxay ku tilmaameen wararka sheegayo in la dhacay guriga Saalax , “Fadeexad”.

Waxaa la filayaa in Maxamed Saalax uu yimaado Masar toddobaadka soo socda si uu u hoggaamiyo dalkiisa oo wajihi doono xulka qaranka ee Malawi laba kulan oo xiriir ah oo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika, waxaana kulanka ugu horreeya uu ka dhici doonaa Qaahira 24-ka bishan March, halka kulanka labaadna uu ka dhici doono dalka Malawi afar maalmood ka dib.

Ad
Previous articleHaweeney horey tuug u ahayd oo loo magacaabay xafiis maaliyadeed.
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Garsoore Maxamuud Caraale oo lagu Dilay Muqdisho