Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.
Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada.
Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Oromadu dagaal kula jirto nidaamka Abiy, heshiiska hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dagaallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.
Warkaan ka soo yeeray mucaaradka Itoobiya ayaa guul weyn u ah Soomaaliya, Abiy Axmed ayaa wajahaya go’doon siyaasadeed oo caalami ah, tan iyo markii uu ku soo xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya ee heshiiska qar-iska tuurninada ah uu la galay Muuse Biixi oo si sharci darro ah ku siiyey bad dhan 20-KM