Rag hubeysan oo ka tirsan Jabhada gacan libaax ayaa gaari nooca raaxada ah waxay ka kaxeysteen bartamaha magaalada Burco ee gobolka Togdheer
Gaarigan ayaa waxaa lahaa mid ka mid ah Masuuliyiinta Wakaalada biyaha u qaabilsan maamulka Somaliland, waxayna la aadeen gaarigaas dhinaca buurta gacan libaax.
Falkan ayaa mar ka careysiisay maamulka Somaliland oo dhowaan cafis u fidiyey Jabhadan inkastoo hogaankooda uu ku gacan seyray, shuruud ayeyna ku xireen iney hubka dhigaan taasoo ah in Muuse Biixi uu xilka ka dego,. lana qabto doorashooyinka oo marar badan dib u dhacay.
Dhinaca kale, Ergada waday dhexdhexaadinta xiisaddii buurta gacan Libaax ayaa sheegay inay wadaan dedaallo ay buurta ugu soo saarayaan jabhadaas.
Waxay sheegeen in qeyb kamid ah ciidanka laga soo saaray buurtaas isla markaana gaadiidka qaar lagu soo wareejiyay guddiga oo ay iyaga gacanta ku hayaan.
“Qaybihii u horeeyay ee ciiidanka waanu wareejinay, waxaanuna ku wareejinay dawladda. Hadda baaqigii oo gaadiidkii iyo xoogay ciidana oo iyana ahayd in la meeleeyo ayaa noo harsanaa,” ayauu yiri Suldaan Cabdiraxmaa Cabdullaahi Aw good