Home Wararka Somaliya Somaliland Jabhada cusub oo Lamagacbaxday Dulmidiid oo Ka Dilaacay Soomaaliland Maxay yihiin?

Jabhada cusub oo Lamagacbaxday Dulmidiid oo Ka Dilaacay Soomaaliland Maxay yihiin?

0

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isi soo tarayay warar iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshadu ku xariirto oo sheegaya in koox hubaysan ay isku aruursadeen buur ku taalla Somaliland.

Maadaama kooxdaan iyo xukuumadda Somaliland aysan midna bixin faahfaahino, dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya ujeedka kooxdaan.

Ciidamada ayaa ah kuwa ka soo jeeda beel deggan aagga ay ku taallo buurta Gacanlibaax, ee u dhaw deegaanka Go’dawayn oo udhaxeysa Hargeysa iyo Berbera.

Waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ku sugnaayeen oo ay ku aruursanayeen ciidamo si ay u balaariyaan cududooda ciidan.

Ciidankaa oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin karin ayaa sheegay marar ay hadleen in ay yihiin ‘dulmidiid’ ka soo horjeedaan xukuumadda Somaliland.

Inkasta oo aysan faahfaahin dheeri ah aysan kabixin waxa ay ulajeedaan ‘dulmidiidka’, hadana dad badan ayaa aaminsan in ay ciidamadaas ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la iksu hayo gudaha Somaliland oo ay kamid yihiin doorashooyinka.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadani ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku eedeeyeen xukuumadda in maamul xumo ay sababtay gadoodka dadkaan.

Dhaqaale ahaan ayaa wararku sheegayaan in ay si iskooda ah wax uruursadaan, balse qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin ayaa la arkayay iyaga oo dhaqaale uga yaboohaya baraha bulshada.

Sida ay BBC du xog ku heshay kooxdaan hubaysan ayaa gacanta ku dhigtay saraakiil ciidan oo ka tirsan Somaliland oo uu kamid ahaa sarkaal watay darajada gaashaanle sare.

Sarakiisha ayaa la sheegay inay tageen deegaanka ay ku sugan yihiin ragga hubaysan, balse lama xaqiijin sababta ay halkaas u aadeen.

Mar dambe ayay xoriyadooda siiyeen ciidamadaani saraakiisha ay gacanta ku dhigeen.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanaka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo dad kale ay waanwaan la galeen kooxda, markii dambana ay sidaas ku soo daayeen saraakiishii qafaalnaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah marnaba ugaa hadlin ciidankaan, balse waxaa wararku sheegayaan in ciidamo ay xukuumadu geysay meel aan sidaa uga fogeyn buurta.

Dhanka kale waxaa jira, ergo ka koobaan odayaal dhaqmeed iyo wasiiro oo loo diray in ay la soo xaajoodaan ciidanka, wadahadallo lagu qancinayana la galaan.

Odayaashaan iyo wasiirka la diray ayaa labaduba ah kuwa ka soo jeeda deeganadaan ay ku sugan yihiin ciidamada is aruursaday, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

BBC da ayaa isku dayday in la hadasho xukuumadda Somaliland si ay wax uga waydiiso fikirkooda ku aadan kooxdaan. Balse nooma aysan suura galin inaan jawaab ka helno.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa Somaliland ka taagan muran ku aadan doorashooyinka kaas oo u dhaxeeyay axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda

Ad
Previous articleFanaanad Ajanabi ah oo Abaal wayn ugashay Soomaaliya oo Geeriyootay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalo iyo Duqaymo lagu Qaaday Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here