Home Wararka Maanta Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay inay buuxisay biyo-xireenka webiga Nile...

Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay inay buuxisay biyo-xireenka webiga Nile oo Masar iyo itoobiya Xiisad Culus ka Abuuray

0

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaasi oo keenay xiisad kala dhaxaysay dalalka ay biyaha wabigu u hooraan ee Masar iyo Suudaan.

“Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xidheenka,” ayuu Abiy ku yiri farriin uu ku soo qoray X, oo markii hore lagu magacaabi jiray Twitter. Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo wadaxaajoodka saddexda dal uu 27-kii August dib u billowday.

“Waxaa jiray caqabado badan, marar badan ayaa nalagu riixay in aan dib u laabanno. Waxaa na soo maray loolan gudaha ah iyo cadaadis dibadda ah,” ayuu yiri.

Biyo-xireenkan oo ay Addis Ababa u aragto mid aad muhiim ugu ah ayaa dhismihiisu ku kacay lacag dhan 4.2 bilyan oo dollar, waxaana tan iyo markii ay Itoobiya daahfurtay mashruucan sannadkii 2011-kii ay Masar ka cabsi qabtay in uu dhimayo qaybteeda biyaha Niilka.

Wadahadallada hadda socda, oo dib u soo laabtay ku dhawaad laba sano iyo bar ka dib, ayaa ujeeddadoodu tahay in la gaaro heshiis “tixgelinaya danaha iyo walaacyada saddexda dal,” ayuu yiri wasiirka waraabka ee Masar Hani Sewilam, oo boorriyay “in la joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ah”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Lagu jabiyay Dagaalkii ay ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowada ee Awdhiigle
Next articleDhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo oo ku Dhawaaqay Shaqo Joojin kadib Dilkii Dr Zakariye(Sawiro)