Home Wararka Maanta Itoobiya Oo Dadaal Ku Bixineysa In Cunaqabateynta Hubka Kaga Qaado Soomalaiya

Itoobiya Oo Dadaal Ku Bixineysa In Cunaqabateynta Hubka Kaga Qaado Soomalaiya

0

Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas, iyada oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bishii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah ururkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabateynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee laga mamnuucay Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay in lasoo afjaray Shabaabkii Weerary Degaanka Yasooman
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Dib usoo Magacaabay Gudoomiye Liibaan Cali Yaroow