Wasiirka tamarata ee Isreal oo lagu magacaabo Katz Isreal ayaa sheegay in go’doonka Qasa aanu dhamaan doonin ilaa inta Xamaas ka sii deynayso dadka reer Israel ee afduubka ay u haystaan.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay “in aan koronto la dayn doonin, biyahana la furi doonin isla markaana aan loo ogolaan doonin booyadaha shidaalka in ay shidaal halkaa geeyaan, ilaa laga sii deynayo dadka u afduuban Xamaas,”.
Isreal ayaa joojisay Sabtidii adeegyadii mari jiray Marinka Qasa ee ay heli jireen dadka reer Falastiin.
Ad