Home Wararka Maanta Israil oo Si Farxad leh uga Hadashay Dilka Ismaciil Haniyah

Israil oo Si Farxad leh uga Hadashay Dilka Ismaciil Haniyah

0

Maamulka Isra’il ayaan wali si rasmi ah u sheegan masuuliyadda dilka hoggaamiyihii dhinaca siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, oo lagu dilay weerar lagu qaaday guri uu ka deganaa magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Wasiirka Hiddaha ee maamulka Isra’il  oo lagu magacaabo Amichay Eliyahu ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dilka loo geestay hoggaamiyaha Xamaas, mana sheegin wasiirka in maamulkooda ka dambeeyeen dilka.

Amichay Eliyahu, ayaa sheegay in dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismaacuul Haniya ay dunidda ka dhjigeyso meel wannaagsan, waxa uuna tallaabada lagu dilay ku tilmaamay mid dunidda ka nadiifineysa wasaqda sida uu tilmaamay.

”Dhimashada Ismaaciil Haniyeh, ayaa adduunka ka dhigayso meel wanaagsan, tani waa dariiqa saxda ah ee adduunka looga nadiifin karo wasakhda” ayuu yiri wasiirka hida ee Israa’il katirsan garabka midig ee maamulka Yahuuda.

Wasiirkan ayaa sidoo kale sheegay in dilka hoggaamiyaha Xamaas ay xoojin doonto awoodda maamulkooda, waxa uuna intaa ku daray in kuwa nabadda jecel ay kula noolaan doonaan hadda kaddib nabad iyo xasillooni.

Isra’il ayaa marar badan ku hanjabtay in ay dili doonaan hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniya oo dibadjoog ahaa tan iyo sannadkii 2019-kii, waxaana hoggaamiyahan lagu dilay dalka Iran uu u tagay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowladda Qadar oo dilka Ismaaciil Haniyah ka Hadashay Maxay Tiri?
Next articleMareykanka oo ka hadlay dhimashada Ismaaciil Haniyah