Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay dhismo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabaliya ee waqooyiga magaalada Gaza, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Gaza.
Duqeymo diyaaradeed oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay guriga qoyska Al-Shihab oo ku yaalla bartamaha xerada Jabaliya, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Eyad Bozum ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Guriga Al-Shihaab waxaa ka buuxay tobanaan qof oo qaraabo ah markii ay duqeyntu dhacday, ayuu yiri Bozum.
Qaar ka mid ah xubnaha qoyska ayaa ka cararay duqeymo culus oo uga imaanayay qeybaha kale ee Marinka Gaza iyagoo gabaad ka dhiganaye gurigan.
Bozum ayaa sheegay in dhimashada duqeyntaas ay u badan tahay in ay kor u kacdo iyadoo shaqaalaha difaaca madaniga ah ay wali meydadka ka soo saarayaan burburka oo ay tirinayaan dadka dhintay.
Israel ayaa tan iyo Sabtidii duqeymo ku xasuuqday dad gaaraya 1,200 oo qof oo ka tirsan shacabka magaalada Gaza ka dib weerar ay xamaas qaaday oo lagu laayey dad israaliyiin ah oo ka badan 1,100.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay