Home Wararka Maanta Israel oo duqeyn ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxda PIJ

Israel oo duqeyn ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxda PIJ

0

saaka waaberigii wax yar ka hor duqeyn ay Israel la beegsatay dhisme dabaq ah oo ku yaal Qaza ayaa lagu dilay mid ka mid ah taliyeyaasha sare ee kooxda Mujaahdiinta Falastiin ee PIJ iyo hal qof oo kale.

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu dhuftay dabaqa shanaad ee dhisme ku yaal xaafadda Xamaad oo u dhow marinka dhanka woqooyi ee khan Yonis.

falastiiniyiinta ayaa Arbacadii kusoo ganay dhanka Israel in ka badan 460 gantaal.

Milatariga Israel ayaa ku dhuftay in ka badan 130 bartilmaameed, weerarkan oo noqonaya kii ugu cuslaa muddo sagaal bilood ah.

Ugu yaraan 24 qof oo qiyaastii 10 ka mid ah ay rayid ahaayeen saddexna ka mid ahaayeen taliyeyaasha kooxda PIJ ayaa lagu dilay Qaza tan iyo subaxnimadii talaadada, markii ay Israel bilowday hawl galkeeeda ka dhanka ah kooxdan, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka ee Falastiin.

Ad
Previous articleMaraykanka oo sheegay in uu tallaabo ka qaadaya illaa 150,000 oo muhaajiriin ah
Next articleGolaha Wasiirrada oo meel-mariyey Qaraar iyo Hindise Sharciyeedyo muhiim uah (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here