Home Wararka Maanta Israail oo Maantay kaliya 320 Falastiniyiin ah Duqayn ku Xasuuqday(Sawiro)

Israail oo Maantay kaliya 320 Falastiniyiin ah Duqayn ku Xasuuqday(Sawiro)

0

Dad Falastiiniyiin ah oo ku dhaawacmay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Deir el-Balah ayaa la dhigay isbitaalka Al-Aqsa.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ku garaacday guri ku yaalla aaggaas, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee Wasaaradda arrimaha gudaha Falastiin.

Dhinaca kale, Mohammed Edwan, oo 16 jir ah, ayay ciidamada Israel ku toogteen degaanka Tulkarem, oo waqooyi galbeed ka xigta daanta galbeed, sida ay sheegtay wasaaraddu.

In ka badan 320 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ka baxsanayay Magaalada Gaza, kuwaasoo oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Khasaaraha sii kordhaya ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Gaza maalin kadib markii ay u sheegtay 1.1 milyan oo qof oo deggan woqooyiga Gaza inay u jiheystaan dhanka koonfureed ka hor weerar dhulka ah oo soo socda kaasoo jawaab u ah weerarkii Xamaas ee gudaha Israa’iil todobaadkii hore.

Ugu yaraan 2,215 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 8,714 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada cirka ee Israa’iil ay ku qaaday Qaza. Tirada dadka lagu dilay Israa’iil ayaa gaartay 1,300, iyadoo in ka badan 3,400 ay ku dhaawacmeen.

Daanta Galbeed ee la haysto, tirada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil ku dishay usbuucii la soo dhaafay waxay kor u dhaaftay 50 qof in ka badan 1,000 kalena waa la dhaawacay, iyadoo boqolaal kalena waa la xiray.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleXasuus:Qarixii Soobe Laba maalmood ayuu burburka ku hoos jiray wiilkaan
Next articleIbraahim Roobow Cali oo la Dhashay Wasiir Rooboow oo Xabsiga La dhigay