Home Wararka Maanta Israa’iil oo war cusub ka soo saartay heshiiskii shalay la gaartay Xamaas

Israa’iil oo war cusub ka soo saartay heshiiskii shalay la gaartay Xamaas

0

Israa’iil ayaa sheegtay in hirgelinta heshiika afarta maalmood ah ee lagu joojinayo dagaalka Qasa isla markaana la isku dhaafsanayo maxaabiista labada dhinac gacanta ugu jira la hakiyay ilaa Jimcaha.

Heshiiskan ayaa markii hore lagu waday inuu dhaqan galo subaxnimada Khamiista maanta ah. Waxaa lagu heshiiyay in Israa’iil ay sii deyso 150 qof oo Falatiiniyiin ah oo isugu jira haween iyo carruur u xiran iyaga, halka Xamaas ay iyaduna tahay inay sii deyso 50 qof oo Israa’iiliyiin ah oo ay qafaalatay 7-dii Oktoobar.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu, ayaa hore waxad ku maray, inay ka go’antahay inay guul ka gaaraan Xamaas, inkastoo heshiis la galay.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka cabanaya muddada xabbad joojinta oo ay sheegen inaysan ku filnayn.

Ad
Previous articleFaahfaahin kasoo Baxaysa Qarax Xalay Xili Danbe Ka dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleDalka Uganda oo xanuun Cusub Ka Dilaacay iyo Dad badan oo Durbaba u Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here